Wararka

Dowladda Somalia ayaa ku tilmaantay wax laga xumaado qoraalo ka soo baxay qaar ka mid ah…


Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah dalalka caalamka oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya ee xiligan kuwaa oo ay ku tilmaamtay in ay yihiin qoraalo marin habaabin ah

Qoraa ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada ayaa lagu yiri siddan“Dowladda federaalka waxaa ay soo dhoweyneysaa walaaca ay muujiyeen dalalka aan walaalo nahay iyo urur goboleedyada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, kuwaas oo soo saaray qoraallo la xiriira is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan hirgelinta doorashooyinka, qoraalladaas oo waafaqsan mowqifka dowladda federaalka.”

Dowladda Soomaaliya waxaa ay garowsan tahay baahida loo qabo in doorasho laga qabto dalka, sidaas darteedna ay ka tanaasushay arrimo badan oo ay isku hayeen dowlad goboleedyada, kuwaas oo ay ka mid aheyd doroasho qof iyo cod ah, si loo gaaro heshiiskii September 17.

Nasiib darro, ayada oo uu jiro heshiiskaas, iyo rabitaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay wax uga qabaneyso walaacyada jira, saameynta quwado shisheeye ayaa weli caqabad ku ah in lasoo geba-gebeeyo heshiis dhabbaha u xaaraya doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

Waxaan ka digeynaa qoraallada marin-habaabinta ah ee iska indha tiraya xaqiiqaha mararka qaarna u muuqda inay taageerayaan kacdoonka rabshadeysan, kuwaas oo ka imanaya meelaha qaar ee aan ognahay ficillada xun ee ay ka wadaan gobolka, si been ahna isaga dhigaya inay mas’uul ka yihiin mustaqbalka dal kale, si ka hor-imanaysa mabaadi’da iyo xeerarka caalamiga ah.

Shabakada Wararaka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13239 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: