Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii afraad ee isku xigta ee Premier League Ingriiska kadib…
Liverpool ayaa sii wadata taxanaheeda guuldarada ee niyad jabka leh, iyada oo guuldarro 2-0 ah ka soo gaadhay Everton, guuldaradii afaraad ee isku xigta ee Premier League Ingriiska.
Xiddiga reer Brazil ee Richarlison ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Carlo Ancelotti daqiiqadii 3-aad kadib baas qurux badan oo uu ka helay James Rodriguez.
Everton ayaa guusheeda ku xaqiijisay rigoore uu dhaliyay Gylfi Sigurdsson daqiiqadii 83-aad kadib markii uu garsooruhu go’aansaday in Dominic Calvert Lewin uu u dhacay sababo la xiriira inuu jalaafay Trent Alexander-Arnold

Everton ayaa guusheedii ugu horreysay ee Premier League ka heshay garoonka Liverpool tan iyo 1999, waxay labadooduba ka siman yihiin dhibcaha oo ay leeyihiin min 40 dhibcood, iyadoo Liverpool ay ku jirto kaalinta lixaad.
Everton ayaanan ka badinin 20 kulan oo horyaalka kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool, halka kooxda macalinka Jarmalka Jürgen Klopp aan laga badinin 4 kulan oo isku xigta horyaalka oo ay gurigooda ku ciyaareen tan iyo 1923.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis