Wararka

Novak Djokovic ayaa ku guuleystay ciyaartii Tennis-ka ee Australian Open kadib markii…

Serbia's Novak Djokovic celebrates after defeating Russia's Daniil Medvedev in the men's singles final at the Australian Open tennis championship in Melbourne, Australia, Sunday, Feb. 21, 2021.(AP Photo/Andy Brownbill)

Novak Djokovic hogaamintiisii Australian Open ayaa muuqata, waayo wuxuu gaaray sagaal jeer final iyo sidoo kale sagaal jeer oo uu ku guuleystay.

Djokovic wuxuu qarka u saaran yahay inuu soo qabto ragga Tennis-ka hogaamiya dhinaca inta jeer ay qaadeen Grand Slam ee Roger Federer iyo Rafael Nadal oo kala heysta min 20 jeer, halka Djokovic uu heysto 18 Grand Slam.

Djokovic ayaa lahaa gacanta sare ciyaartii finalka ee uu kula kulmay Daniil Medvedev oo ka soo jeeda Ruushka, wuxuuna ku maray 7-5, 6-2, 6-2, ciyaartii maanta oo Axada ah ka dhacday Melboune Park.

Ninkan 33 jirka ah ee u dhashay Serbia ayaa ku jira kaalinta koowaad ee kala horeynta liiska ee adduunka, tani waxay fursad u siineysaa in booskaasi fadhiyo 311 isbuuc.

Medvedev oo 25 jir ah kuna jira kaalina afraad ee addunka ayaa u ah semi finalkii labaad ee Grand Slam, 2019kii US Open ayuu yimid semi final, laakin waxay ka go’an tahay inuu mar kor u qaado Championship-ka.

Djokovic ayaa urursaday 18 Grand Slam oo ka kala helay 9 Australian Open, 5 Wimbledon, 3 US Open iyo 1 French Open.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13242 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: