Wararka

Waa kuwama ciidamada ugu awooda badan adduunka? xageyse Somalia kaga jirtaa?…


Waa kuwama ciidamada ugu awooda badan dunida maanta? Su’aal u muuqan karta mid fudud marka aad sidaa u jaleecdo marka hore, laakiin waxaa ku jira arrimo qarsoon oo isku murugsan.

Website-ka National Interest ayaa daabacay warbixin ku saabsan 5-ta ciidan ee ugu awoodda badan ee Dunida, sida ku cad qiimeynta US Global Firepower ee sannadka 2021, oo ku takhasustay qiimeynta awoodaha millatariga ee dalalka, waxayna u qiimeysay sida soo socota:

United States of America
Dalka Mareykanka ayaa kaalinta koowaad ka galay liiska ciidamada ugu awooda badan aduunka sanadkan, isagoo ka sare maray tartamayaasha ugu dhow inyar oo laakin joogto ah, taas oo ay ugu wacan tahay miisaaniyada gaashaandhigga oo aad u ballaaran, kaabayaasha dhaqaalaha oo aad u tiro badan, iyo tiro aad u badan oo askar iyo shaqaale ah ee qaybaha kale. Mareykanku wuxuu dunida ku hogaamiyaa dhanka hawada, maadaama ay tiro ahaan iyo tayo ahaanba ka sarreeyo tartameheeda ugu soo dhow guud ahaan, gaar ahaan dhammaan noocyada diyaaradaha, waxayna leedahay maraakiibta qaada diyaaradah ee ugu badan, uguna firfircoon.

Russia
Website-ka National Interst ayaa wuxuu rumaysan yahay in Ruushku uu ka soo kabtay fadhiidnimadii milateri ee uu kala kulmay burburkii Midowgii Soofiyeeti, wuxuu bilaabay tiro badan oo mashaariic horumarineed oo milateri oo waqtiga fog ah si ay dib ugu soo noolayso awoodeedii dhinaca cirka iyo badda isla markaana ay boodhka waqtigaasi iska jafto.

Midhaha dadaalkaasi si fudud ayaa loo dareemi karaa sannadkan, waxaa jira jiil cusub oo gujisyo istiraatiiji ah oo Ruush ah iyo gujisyo xambaara gantaalaha cruise-ka, kuwaas oo soo yareeyay farqiga tayada ee u dhexeysay dhiggooda Mareykanka.

China
In kasta oo ay ka dambeyso weli hogamiyeyaasha Mareykanka iyo Ruushka, laakin Shiinaha ayaa wuxuu sii wataa maalgashi ballaaran oo muddo dheer ah noocyada kala duwan ee militariga.

Shiinaha ayaa leh miisaaniyada labaad ee ugu weyn dhanka milatariga aduunka, sidoo kale waxay heyssataa dadka ugu badan ee diyaarka u ah howlaha militariga, militariga Shiinaha wuxuu muujinayaa awood lagu gaari karo koboc aad u weyn mudo gaaban.

India
Ciidanka Hindiya waa ciidanka afaraad ee ugu awooda badan adduunka, in kasta oo miisaaniyadda difaaca ee Hindiya ay aad u yar tahay marka loo barbar dhigo saddexda quwadood ee waaweyn ee adduunka, hadana inkasta oo ayna lahayn wax soo saar milatari, haddana awooddooda ciidan waxay ka timaaddaa tirada badan ee shaqaalaha iyo sidoo kale tiro aad u badan oo ciidammo ah oo loo diyaariyey adeegga milatariga.

Japan
Japan ayaa waxay bedeshay France marka loo fiiriyo “Global Fire Power” ee ciidamada ugu awooda badan ee aduunka markii ugu horeysay sanadka 2020, iyadoo ka faa’iideysatay hantideeda, miisaaniyaddeeda difaaca oo aad u weyn iyo kaabayaasha cajiibka ah ee ciidankeedu leeyihiin.

In kasta oo ay leedahay ciidan cirka ah oo xoog leh iyo joogitaan ciidamo firfircoon ee qeybaha badda qaarkood sida kuwa wax burburiya iyo kuwa quusa, haddana Japan waxay ka aradan tahay ciidamada dhulka taasi ayaa si taban u saameyneysa qiimeynteeda caalamiga ah ee dhinacyada militariga.

6- South Korea, 7- France, 8- United Kingdom, 9-Brazil, 10- Pakistan, 11- Turkey, 12-Italy, 13- Egypt, 14- Iran, 15- Germany, 16- Indonesia, 17- Saudi Arabia, 18- Spain, 19- Australia, 20-Israel.

Hadaba dalka Somalia ayaa wuxuu ku jira kaalinta 137aad, waxaa ka hooseeya oo keliya Liberia iyo Bhutan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13242 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: