Wararka

Cali Guudlaawe iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ka wadahadlay xaalada siyaasadeed ee dalka…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somalia.

Madaxweynaha ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqday Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia, Mudane Shariif Sheekh Axmed.”

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka, isku dhacyadii Magaalada Muqdisho iyo khilaafka ku horgudban arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa isku dayaya in uu gacan ka gaysto dejinta xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, iyadoona uu habeen hore Caasimadda Muqdisho kula kulmay Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka.

Guudlaawe ayaa Jimcihii Muqdisho u yimid, si uu kaga qaybgalo shirka wadatashiga qaran, ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu toddobaadkii hore ku baaqay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: