Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa maanta inuu dood ka yeesho xaalada siyaasadeed ee Somalia…


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta dood adag ka yeelanaya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu wadaa in sidoo kale loogaga hadlo arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, Doorashooyinka, Siyaasadda iyo waqti kordhinta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Fadhigan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo xaalad xasaasi ah oo dhinaca siyaasada ay ka jirto dalka Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay qoraal u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyagoo Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay Dame Barbara Woodward ka dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo fududeeyo in si dhaqso leh looga hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, loona hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Golaha Ammaanka ayaa fadhi uu yeeshay 9-kii Febaarayo 2021 ayaa dhageystay xogta Soomaaliya, waxaana warbixinta la wadaagay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13361 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: