Wararka

Koox ka tirsan al-Shabaab ayaa la sheegay inay gubeen guryo ku yiilay deegaanka Yaaq-beri weyne…


Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaala ka tirsan Al-Shabaab ay gubeen guryo ku yiil deegaanka Yaaq-beri weyne ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guryo faro badan oo ku yiil deegaankaa ayaa bas beelay iyadoo guud ahaan dadkii degenaa deegaankaas ay ka barakaceen,hase yeeshee lama sheegin waxyeelo ka soo gaartay dadkii degenaa guryahaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ku amray dadka ku nool deegaankaas oo ka tirsan degmada Wanlaweyn inay isaga guuraan.

Dadka ku nool deegaankaas ayaa waxa ay taageero u fidiyeen maleeshiyo beeleed abaabulan oo dagaal kala hortimid ururka Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/hoose iyo tan dowlada federalka oo ku saabsan deegaanka Yaaq-Bari Weyne oo ku taal wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13264 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: