Wararka

Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay banaan bax maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febraayo…


Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka ah ayaa mar kale ku baaqay bannaan bax maalinta Jimcaha oo ku beegan 26 Febraayo oo ka dhici doona Taalada Daljirka Dahsoon.

Shir jaraa’id oo Musharaxiinta goordhow ku qabteen Hotelka Jazeera oo xarun u ah ayaa lagu shaaciyay in bannaan baxa weli sidiisa yahay oo ay qaban doonaan Jimcaha.

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa is hortaagay banaan bax Jimcihii hore Musharaxiinta ku qaban lahaayeen Taalada Daljirka Dahsoon, iyadoo la rasaaseeyay bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Si kastaba ha ahaatee xiisada siyaasadeed ee dalka ayaa cirka isku shareertay, kadib markii uu khilaaf ka dhashay hannaanka doorashada, iyadoo uu waqtiga ka dhacay Madaxweyne Farmaajo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13329 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: