Wararka

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in ay Somalia la garab taagan tahay hiil iyo hoo…


Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in ay Soomaaliya la garab taagan tahay hiil iyo hoo ku saabsan sidii ay nabadda u soo celin lahayd islamarkaana uga adkaan lahayd Al-Shabaab.

Ku simaha Waliika Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills, ayaa isagoo ka hadlayay kulankii Golaha Amaanka ee xaaladda Soomaaliya waxa uu sheegay in Washington ay liiska cunaqabateynta ku dartay saddex xubnood oo ka tirsan al-Shabaab, kuwaasoo xayiraado si gaar ah loo saarayo.

“Dowladda Mareykanku wali waxay diiradda saareysaa xakameynta awoodda al-Shabaab ay ku fulin karaan weerarrada ka dhanka ah rayidka, waxayna diyaar u tahay in ay wadashaqeyn la sameyso dowlad goboleedyada si loo hirgeliyo qaraarka cunaqabateynnada Soomaaliya ee tirsigiisu yahay 751,” ayuu yidhi Mr Mills.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu magacaabay xubnaha cusub ee lagu daray liiska cunaqabateynta Mareykanka.

“Annagoo taas ka duuleyna, waxaan ku faaneynaa inaan maanta caddeyno in aan annaga iyo dowladda Soomaaliya si wadajir ah u magacawno saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu daray liiska cunaqabateynta, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin: Abuukar Cali Aadan, Macallin Ayman iyo Mahad Karate.”ayuu yiri Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

“Tallaabadan cunaqabateynta ah waxay ka turjumeysaa in beesha caalamku ay la xisaabtameyso dadka wiiqaya nabadda Soomaaliya, amniga iyo xasiloonida,”
Maraykanka ayaa hore cunoqabatayno ugu soo rogey dad badan oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13285 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: