Wararka

Safiirkii Talyaaniga ee DR Congo, nin boolis Talyaani ah iyo darawalkoodii ayaa lagu dilay weerar…


Safiirkii Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, nin booliis Talyaani ah, iyo darawalkoodii oo u dhashay Congo ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay Bariga dalka DRC.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibedda ee Talyaaniga, Danjire Luca Attanasio ayaa waxaa uu la socday kolonyo ka tirsan MONUSCO, Ergada Qaramada Midoobay ee Xasilinta ee DRCongo.

Wasiirka arrimaha dibedda Luigi Di Maio ayaa isaga baxay shirkii Brussels uu kula soo qaatay dhiggiisa EU si uu xilli hore ugu laabto Rome.

“Xaaladaha weerarkan waxashnimada ah wali lama oga, dadaalna looma dhaafi doono si loo iftiimiyo waxa dhacay,” ayuu yiri Di Maio, isaga oo maamuusaya dhibbanayaasha.

Weerarka gaadmada ah ayaa dhacay xilli kolonyada ay ka soo ambabaxaysay magaalada Goma, ee xarunta gobolka bariga Congo, si ay u booqdaan mashruuc iskuulka Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ee Rutshuru, sidaana waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay.

WFP waxay sheegtay inay ka raadinayso macluumaad maamulka deegaanka maadaama gaadmada ay ka dhacday waddo horay loo baneeyay si loogu safro iyadoon la waardiyeynin amni.

Attanasio oo 43 jir ah ayaa wakiil uga ahaa dalka Talyaaniga magaalada Kinshasa tan iyo sanadkii 2017. Wuxuu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadeed 2003 wuxuuna horey uga soo shaqeeyay Switzerland, Morocco iyo Nigeria.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka khasaaraha badan dhaliyay illaa iyo hadda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13240 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: