Wararka

Swan ayaa dadaal ugu jira sidii Axmed Madoobe looga dhaadhicin lahaa ka qeybgalka shirka uu…


Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo isagoo wadahadalo kula leh Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada, iyadoo kulankaas uu yahay mid gaar ah oo albaabada la isku xirtey.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in James Swan uu sigaar ah Madaxweynaha Jubbaland ugala hadlayo ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uga soo qeyb geli lahaayeen shirka Wadatashiga Muqdisho, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.

Shalay ayaa waxaa magaalada Garowe gaaray wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.Iyadoo booqashada James Swane ee imanayso xilli u shalay ka sheegay shirka golaha ammaanka in dalka Soomaaliya uu wajahayo xaalad halis ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13266 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: