Wararka

Swan ayaa tilmaamay in isku dhacyadii 19kii bishan ay carqaladeeyeen shirkii lagu qaban lahaa…


Wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Somalia James Swan ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, xilli uu uga warbixinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Wakiilka ayaa sheegay in xiisadda siyaasadeed ee sii cakirmeysa ee dalka, ay halis ku tahay horumarkii laga sameeyay dib-u-dhiska Dowladnimada Somalia iyo amnigaba.

Sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyay isku dhacyadii Magaalada Muqdisho, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta dowladda ay halis ku tahay xaaladda dalka, xilli sida uu sheegay uu kordhayo loolanka afka ee dhinacyada u dhaxeeya.

James Swan ayaa tilmaamay in isku dhacyadii 19-kii bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho ay carqaladeeyeen shirkii lagu qaban lahaa buu yiri Muqdisho.

Swan ayaa muujiyay in xaaladda taagan looga gudbi karo heshiiskii 17-kii bishii September ay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku gaareen Caasimadda Muqdisho, oo jiheynaya doorashooyinka dalka, isla-markaana uu heshiiskaasi yahay kan qura ee lagaga bixi karo dib-u-dhaca ku yimid doorashada.

Swan ayaa ku celiyay inaanay aqbali doonin doorasho lagu kala qaybsan yahay oo dalka laga qabto, isagoo intaa ku daray inay ka shaqeynayaan, sidii Maamulada Puntland iyo Jubbaland ugu sii biiri lahaayen shirka Muqdisho, isla-markaana uu ku baaqaayo in Soomaalidu wadahadlaan.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa cago jiid ka muujiyay ka qaybgalka shirka Muqdisho, waana xilli ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyeen inaanu doonayn in horumar laga sameeyo shirka wadatashiga ee looga hadlayo doorashooyinka dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: