Wararka

Beesha Caalamka ayaa u muuqata mid mar kale miiska wadahadalada isugu geyneyso madaxda…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu horkacayay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia, Amb. James Swan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu kulan miro dhal ahi la qaatay wafdigan iyo weliba Safiiro kale oo muuqaalka foggaan-aragga la soo geliyay, intii uu kulankaasi socday.

Warka ayaa u qornaa “Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya, James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga, Alberto Vecchi.”

“Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah, iyadoo sidoo kale hab maqal iyo muuqaal ah ay kaga qaybgaleen Safiirka Mareykanka ee Somalia, Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Caetano Madeira.”

“Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee Somalia iyo arrimaha doorashooyinka.”

Beesha Caalamka ayaa u muuqata mid markale miiska wadahadalada isugu gaynaysa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: