Wararka

Mareykanka ayaa sii deyn doona warbixin ku saabsan dilkii wariyihii Sacuudiga Jamal Khashoggi…


Mareykanka ayaa sii deynaya warbixin ku saabsan dilkii Wariyihii u dhashay Sacuudiga ee sanadkii 2018 si arxan darro ah loogu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee ku taal magaalada Istanbul.

Warbixintan ayaa si weyn loo sugayaa, iyadoo Aqalka Cad uu shaaciyay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qorsheynayo inuu la hadlo Boqor Sacuudiga Salman bin Abdelaziz.

Joe Biden ayaa dhowaan sheegay inuu dib u qiimeyn doono xiriirka Mareykanka la leeyahay Sacuudiga, waxaana uu tilmaamay inuu xiriir toos ah oo la tacaamulid ah la yeelanayo Boqorka Da’da ah oo keliya.

Amiirka Dhaxalsugaha ah Mohamed Bin Salmaan ayaa si weyn loola xiriirinayay dilka Jamal Khashoggi.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Joe Biden ayaa waxaa la is weydiinayay sida uu noqon doono xiriirka Mohamed Bin Salman iyo Mareykanka, waxaana Dhaxalsugaha uu wajahayay cambaareyn xooggan oo ahaa xadgudubyo ka dhan ah dhanka bani’aadanimada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: