Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa u codeeyay cusbooneysiinta howlgalka AMISOM ee Somalia…


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Khamiistii in loo cusbooneysiiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, oo ah ciidan nabad ilaalin ah oo markii ugu horeysay la geeyay dalka Soomaaliya 2007.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, dhammaan xubnaha UN-ka waxaa ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ku taageero ee ku sugan Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkeeda ayaa lagu yiri Bayaan.

Ciidamada AMISOM ee jooga Somalia ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad 20,000 ah kuwaasi oo ka kala socda dalalka Kenya Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

AMISOM ayaa taageero siisa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxd Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2007.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: