Wararka

Sirdoonka Qaranka Mareykanka ayaa warbixin shaaca uga qaaday in Maxamed bin Salman uu fasaxay…


Warbixin uu soo saaray Sirdoonka Qaranka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in amiirka dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan uu fasaxay afduubka ama dilka Jamal Khashoggi, isla markaana uu u arkay suxufiga Sacuudiga inuu halis ku yahay boqortooyada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in gacan ku heynta uu amiirka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga ee uu ku hayo laamaha sirdoonka iyo amniga ay ka dhigtay mid aan macquul aheyn inuu howlgalka la fuliyo isaga oo aan ogolaansho laga haysan

Warbixinta ayaa waxaa lagu cadeeyay in 21 shaqsi oo Sirdoonka Mareykanka ay ku kalsoon tahay inay ku lug lahaayeen dilka Khashoggi iyagoo wakiil ka ahaa amiirka dhaxalka iska leh ee Sacuudiga.

Bloomberg ayaa sidoo kale soo warisay in maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay u aqoonsadeen 76 qof oo Sucuudi ah oo laga yaabo in lagu soo rogo cunaqabateyn sida ay ugu yeertay “siyaasada Khashoggi ee cusub.”

Agaasimaha cusub ee Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Avril Haines, ayaa kal hore balan u qaaday Congress-ka inay u hogaansamayso sharciga gebi ahaanba, iyada oo u soo bandhigi doont wakiilada qiimeynta hay’adaha sirdoonka ee cida ka dambeysay dilkii Khashoggi ee lagu dhex dilay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul sanadkii 2018.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: