Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa xayiraad ku soo rogay seddax horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab…


Golaha Ammaanka ee Qarramada Midoobey ayaa isla qaatay xiyaarad ka dhan ah saddex horjooge oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab sida lagu sheegay bayaan Goluhu uu soo saaray 26kii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay.

Horjoogayaashan la sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karataay, oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Ururka Al-Shabaab.

Talaabadan Golaha Ammaanku uu xayiraadka ku saaran horjoogayaashan ka tirsan Al-Shabaab ayaa imaneysa kadib markii ay sidaa ka codsatay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu daray Liiska kooxaha iyo xubnaha argagixisada.

Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab, halka Macallin Ayman uu yahay aas aasaha guuto ka dagaalanta Kenya, sidoo kale Mahad Karataay ayaa kaalin weyn ku dhax leh dhaqdhaqaaqa kooxda, wuxuuna mar soo noqday ku xigeenka hoggaamiyaha kooxdaas, inkastoo mar dambe laga wareejiyey.

Shabakada wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: