Wararka

Abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ayaa la sheegaya inay ka jirto Ceelwaaq…


Abaar baahsan ayaa laga soo sheegaya in ay ka jirto Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, taasoo si weyn u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Wararka ayaa sheegaya inay gureen ceelashii biyaha iyo warihii ay dadka iyo duunyadaba ka cabi jireen, halkaa oo sidoo kale aanu wax daaq ahi ka jirin, maadaama labadii xilli roobeed ee ugu dambeysay aanay wax roob ahi ka da’in Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda. Abaarta ayaa sidoo kale laga soo sheegaya deegaano kale oo gobolkaasi ka tirsan.

Gudoomiyaha Degmada Ceelwaaq, Ibraahim Aadan Guuleed ayaa sheegay in abaaraha ba’an ee halkaasi ka jira ay dhibaato weyn u gaysteen dadka iyo duunyada. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in abaaruhu ka dhasheen roobabkii la filaayay oo aan halkaasi ka da’in.

“Abaaro ba’an baa ka jira deegaanka oo dhibaato weyn u gaystay dadka iyo xoolaha, intaba. Sanadkii hore roobab lama helin, deyrtii hadda ahaydna roob lama helin. Marka sidaasi darteed abaaro ba’an baa deegaanka ka jira.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo la hadlay BBC.

Su’aal ahayd deegaanadee ugu badan bay abaartu saameysay ayaa wuxuu sheegay in Gobolka Gedo oo dhan ay abaartu ka jirto, balse ay saamaynta ugu weyn ku yeelatay Ceelwaaq iyo deegaanada hoostagga.

“Ceelwaaq iyo nawaaxigeeda oo dhan weeye, Gobolka Gedo way ka jirtaa, laakiin aagga Ceelwaaq ee anaga aan ku suganahay ayay u badan tahay abaarta.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: