Wararka

Dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Qansaxdheere ee gobolka…


Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay iyadoo dagaalkaana uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada Qansaxdheere oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ayna khasaare xoog leh gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa sheegay in 9-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay halka tiro kale oo iyagoo dhaawac ah nolosha lagu qabtay.

Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay ka war qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay u diyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka AMISOM ee degmada ku sugan iyo kuwa Daaraawiishta Konfur Galbeed ay sii baacsadeen maleeshiyaadkii baxsadka ahaa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo kordhiyay weerarada ay ka geysanayan deegaano ka tirsan gobolka Bay.

Shabakada Wararka, hagaag.com Info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: