Wararka

Jilaagii caanka ahaa ee reer Masar Youssef Shaaban ayaa ku geeriyooday da’da 90 jir…


Jilaagii caanka ahaa ee reer Masar Youssef Shaaban ayaa ka tagay adduunkeenna waxyar ka hor, isagoo 90 jir ah, ka dib markii uu ku dhacay cudurka ‘Coronavirus’, kadibna loo wareejiyay isbitaalka si uu ugu hoos jiro aalada hawada ka saacida, geeridiisa waxaa shaacisey gabadhiisa oo sheegtay inuu miyir daboolmay ka hor inta uusan dhiman.

Muddo yar ka hor, hay’ada xirfadlayaasha ee qaabilsan jilida ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fanaanka Youssef Shaaban waxayna soo saareen qoraal rasmi ah oo ay ku sheegeen ” Xirfadlayaasha Masraxa waxay u baroordiiqayaan geerida fanaankii weynaa ee Youssef Shaaban. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka qoyskiisa iyo taageerayaashana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Geerida Youssef Shaaban ayaa bulshada fanka waxay ku weyday fanaan ka soo jeeda xiddigihii waqtigii quruxda badnaa, maadaama uu bilaabay xirfadiisa faneed dhamaadkii kontonaadka isagoo weli ahaa labaatan jir.

Youssef Shaaban ayaa wuxuu ku dhashay July 16, 1931 xaafada Shubra, yaraantiisana wuxuu doonayay inuu ku biiro Machadka Farshaxanka, laakiin qoyskiisa waxay caqabad ku noqdeen xaqiijinta riyadiisa, sidaa darteed wuxuu iska qoray Kulliyadda Sharciga, kaas oo uu kaga tagay sanadkii saddexaad, kadib markii uu la kulmay jilaaga Karam Mutawa oo uu kala hadlay jilista iyo farshaxanka ayaa Youssef Shaaban wuxuu go’aansaday inuu iska qoro Machadka Sare ee Farshaxanka Faneed ee uu ka soo qalin jabiyay horaantii 1960dii. Allaha u naxariisto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: