Wararka

Israel ayaa ku eedeysay Iran markab qarax lagula eegtay Gacanka Oman, halka Iran ay diiday…


Markab laga leeyahay Israel oo uu haleelay qarax ka dhacay marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Oman ayaa gaaray dekedda magaalada Dubai, halkaasi oo lagu wado in lagu qiimeeyo xaaladdiisa.

Markabka MV Helios Ray, oo ah nooca xamuulka qaada, ayaa habeenimadii Khamiista ee uu Jimcuhu soo galayay waxaa ku haleelay qarax ka dhacay badda, iyadoo sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka uu sheegay in uu dillaac soo gaaray qeybo ka mid ah markabkaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Israel ayaa Sabtidii sheegay in qiimeyn hordhac ah lagu ogaaday in Iran ay mas’uul ka tahay qaraxa. Halka Iran ay iska diiday eedeynta Israel u soo jeedisay.

Markabka ayaa hadda ku xirtay dekedda Rashid ee magaalada Dubai, isagoo ka soo shiraacday xeebta caasimadda Muscat ee dalka Oman halkaas oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sida uu wariyay Channel 13 News, wafdi ka socda Israel ayaa ku sii jeeda Dubai si ay baaritaan ugu sameeyaan qaraxa haleelay markabka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: