Wararka

Wasaarada Caafimaadka ayaa soo jeedisay in xayiraadihii dib loo soo celiyo si looga hortago…


Wasiiradda Caafimaadka ee Somalia Fowziyo Abiikar ayaa sheegtay in xaalad aad u daran uu dalku galay oo ah faafitaanka cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya Somalia, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay korortay tirada dhimashada iyo dadka bukaanada ah ee uu soo ridanayo.

Wasiirad Fowziyo ayaa sheegtay in sanadkii tagay uu qeyb weyn ka qaatay xakameynta Covid-19 in guud ahana dalka xayiraado lagu soo rogay, sida dhaq dhaqaaqyada duulimaadyada.

Xakamaynta faafidda cudurka COVID-19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka. Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno”ayay tiri Fowziyo Abiikar.

Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in la sii wadi doono howlaha ka hortagga iyo xakameynta, iyadoo xustay inay ku kalsoon tahay in tallaalka uu bilowdo, si xaalada ay u u noqoto mid la xakameeyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada dadka laga helay cudurka Coronavirus, waxaana badatay geerida, illaa iyo hadda in ka badan labo boqol oo ruux ayaa la xaqiijiyay inay u dhinteen corona, inkastoo dadka qaar ay sheegayaan inay tirada intaas ka badan tahay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: