Wararka

Midowga Musharaxiinta ayaa iclaamiyay in 6da bishan ay isu soo bax ka dhigi doonaan Mogadishu…


Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa iclaamiyay in 6-da bishan ay isu soo bax ka dhigi doonaan Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay arrintaasi is afgarad ka gaareen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in 6-da bishan oo Sabtida soo socodo ku aaddan ay bannaabaxooda ka dhigi doonaan Caasimadda Muqdisho.

“Si aan ugu dhawaano geedi-socodka aan ugu soo jirnay qabashada doorasho loo dhan yahay, la isku raacsan yahay oo si xasilloon u dhacdo cid kasta oo ka tirsan saamileyda kale ee siyaasadeed, Dowlad Goboleedyo, Bulshada Rayidka & qaybaha kale ee taageerada siiyay in uu dhaco isu soo baxaas oo dhacaya 6-da Maarso 2021.”

Midowga Musharaxiinta ayaa ka gows-adeegay in ay ka tanaasulaan bannaanbaxa ay sheegeen in aragtidooda siyaasadeed ay ku muujin doonaan, taasoo xukuumadda dirqi kaga dhigtay inay bedesho mowqifkeedii hore, ee ahaa inaanan dalka laga qaban karin bannaanbaxyo, sababo ku aadan faafitaanka xanuunka COVID-19 iyo xaaladda amniga oo aan wanaagsanayn.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa xalay magacaabay guddi isku dhaf ah, oo ka shaqayn doono qaban-qaabada bannaanbax nabadeed oo ka dhaca magaalada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: