Wararka

MW Farmaajo ayaa 4ta bishan martigelinaya kulan lagu dhameystirayo wadahadaladii la xiriiray…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta bishan March martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wadahadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Somalia, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa Magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo geba-gabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soo baxay shirkii Baydhabo 15-16 February 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September 2020.

Dowladda Federaalka Somalia waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.

-DHAMMAAD-

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: