Wararka

Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Jilib dil ku fulisay shan ruux oo lagu eedeeyey basaasnimo…


Ururka Al-Shabaab ayaa shan ruux ku fuliyay xukun dil ah fagaaro ku yaalla magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay u basaaayeen dowlada Mareykanka.

Fagaaraha ay toogashadan ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo dadweynaha ku nool magaalada Jilib.

Maxkamada Al-Shabaab ayaa ku heshay shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa inay la shaqeynayeen diyaaradaha droneka ee duqeymaha ka fuliya deegaanada ay ku sugan yihiin ururka Al-Shabaab.

Magacyada dadkan lagu toogtay magaalada Jilib ayaa lagu kala sheegay; Abuukar Xasan Maxamed, Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ), Mahad Cabduqaadir Aadan “Mahad Qaadoole”, Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan, Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa ay hore xukuno dilal ah ugu fuliyeen dad lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowlada federalka iyo dowlada Maraykanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: