Wararka

Ammaanka xarunta Conress-ka Mareykanka ayaa aad loo adkeeyay kadib hanjabaad ka timid…


Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in ammaanka xarunta Congres-ka Maraykanka ee loo yaqaan US Capitol ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii la helayay warar sheegaya in Khamiista maanta ah “xoog lagu soo geli karo” sida ay sheegeen booliska.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii ay sirdoonka ka war heleen hanjabaad ka timid urur hubaysan, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan khatar kasta oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka.

Golaha wakiiladda ee Maraykanka ayaa baajiyay kulan uu maanta lahaa, kadib markii lagu wargeliyay khatarta jirta.

Hase yeeshee waxaa maanta kulankiisa qabsanaya Aqalka Senate-ka si uu uga doodo hindise sharciyeed uu Madaxweyne Biden lacag dhan 1.9 trillion dollar wax uga qabanayo cudurka Covid-19.

Booliska ilaaliya xarunta US Capitol ayaa sheegay inay qeybaha kale ee laamaha ammaanka kala shaqeynayaan si looga hortago khatar kasta oo ku timaada xaruntaas.

“Si dhab ah ayaan u qaadanay xogta ku aaddan khatartaas,” ayaa lagu sheegay warka booliska.

“Faahfaahin dheeraad ah kama bixin karno xogta aan helnay, maadaama ay tahay mid aad xasaasi u ah,” ayuu sheegay booliska.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: