Wararka

Bankiga Dhexe ayaa sheegay inaan waxba ka jirin walaaca laga muujiyay isticmaalka kontonka dollar…


Bankiga Dhexe ee Somalia ayaa war ka soo saaray walaaca ay ganacsatada iyo bankiyada dalka ka muujiyeen qaadashada kontonka dollar ee Mareykanka ($50).

Bartamihii bishii hore ee February ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in suuqyada dalka la soo geliyay konton dollar oo been abuur ah, isla-markaana aanay qaban karin mashiinada lacagta. Ganacsatada iyo shirkadaha xawaaladaha ayaana iska diiday in ay qaataan nooc kasta oo ka mid ah kontonka dollar.

Warka ka soo baxay Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inaysan jirin sabab ay shacabka uga walaacaan isticmaalka kontonka dollar.

Halkan ka akhriso warka Bankiga Dhexe:

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: