Wararka

Chelsea ayaa dhadhansiisay guul daro xanuun badan Liverpool kadib markii ay uga badisay…


Chelsea ayaa sii wadata soo noolaashaheeda waxayna guul qaali ah ka gaartay kooxda difaacaneysa horyaalnimada Liverpool, iyadoo gool aan jawaab laheyn looga dhaliyay gurigeeda ee Anfield, wareega 29aad ee Horyaalka Ingiriiska.

Mason Montt ayaa dhaliyay goolka guusha ee Chelsea daqiiqadii 42aad, ka dib markii garsooraha uu diiday gool kale oo Blues u dhaliyay Timo Werner daqiiqadii 24aad.

Guushan ayaa sare u qaaday dhibcaha Chelsea oo ay ka dhigtay 47 dhibcood oo soo fadhiisatay booska afraad si ay ugu soo baxdo Champions League, halka dhibcaha Liverpool ay ku joogsadeen 43 dhibcood oo ku jirta kaalinta toddobaad, iyadoo ka fogaatay xitaa sanduuqii dahabiga ahaa ee bartilmaameedku ahaa.

Kala daadashada Liverpool ayaa iska socota kuwaasi oo ku guuldareystay inay gaaraan wax guul ah todobadii kulan ee ugu dambeysay ee Horyaalka Premier League, iyagoo laga badiyay 5 kulan, halka ay barbaro galeen labo kulan.

Reds ayaa sidoo kale la kulantay guuldaradoodii 5-aad ee garoonkooda Anfield markii ugu horaysay taariikhdooda Premier League, guuldaradii 8-aad ee xilli ciyaareedkan tartanka, kadib markii kal hore ay ilaashatay rekoodhkeeda guuldaro la’aan 68 kulan ee Anfield.

Tababaraha Liverpool Juergen Klopp ayaa bedelay Mohamed Salah qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo la arkayay ciyaaryahanka reer Masar oo careysan, inkastoo uu yahay gooldhaliyaha ugu horeeya Premier League isagoo leh 17 gool.

Waxaa xusid mudan in Chelsea aan laga badinin kulan tan iyo markii uu Thomas Tuchel xilka kala wareegay Frank Lampard bishii Janaayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: