Wararka

Midowga Musharaxiinta ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay banaanbaxii sabtida loo…


Xasan Cali Khayre oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa shaaca ka qaaday in dib loo dhigay bannaanbixii Sabtida, ka dib markii uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay is hortaagtay.

Xasan Cali Khayre ayaa Villa Somalia ku eedeeyay inay markale carqaladeysay bannaanbixii uu Midowga Musharaxiinta qorsheeyay in Sabtida uu ka dhigo Magaalada Muqdisho.

“Sida aan ku ballanay waxaa loo ballansanaa inaan qabano bannaanbax dastuuri ah, oo ay ka wada shaqeeyaan Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda, oo maalmahaan wadahadal uu socday. Sidaad ogtihiin bannaanbixii nabadda ku dhici lahaa waxaa markale carqaladeeyay Xukuumadda xil-gaarsiinta ee hadda jirta, ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday. Waad ogtihiin in ballantii ay ka baxeen, meel walbana ay ciidamo soo dhigeen, si ay u carqaladeeyaan amniga, dhibaatana ugu gaystaan wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed oo raba inay codkooda ku muujiyaan, sida ay tahay dalkan in loo gaarsiiyo doorasho leesla ogolyahay.” Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Waxaa uu sheegay in Xubnaha Midowga Musharaxiinta ay galabta isku waafaqeen in dib loo dhigo bannaanbaxa, iyagoo markaasi u turaaya bannaanbaxayaasha, si aan loo dhibaateen.

“Sidaas daraadeed Midowga Musharaxiintu waxay galabta go’aan ku gaareen, maadaama ay carqaladeeyeen bannaanbixii, in bannaanbaxa dib aan u dhigno, anagoo u tureyna nafta shacabka.” Ayuu yiri Khayre.

Khayre ayaa yiri “Bannaanbuxu waa xuquuq dastuuri ah, meelaan lagu bannaanbixi karina dowladnimo laguma fulin karo, sidaas daraadeed ayaa la idin soo sheegi doonnaa waqtiga, goobta iyo qaabka.”

Waxaa uu intaa ku daray “Xorriyad la’aanta hadda jirta oo lees hortaagayo xuquuqdii dastuurka waa waxaan la yeeli karin, haddii hadda la yeelana 30-ka sanoo soo socda ayay ummadda Soomaaliyeed dhibaateynaysaa. Ma yeeleysaan taas? Maadaama aaddan taas yeeleyn, idinkana waa idin-kaga mahadcelinayaa dulqaadka.”

Dib-u-dhigista bannaanbaxa ayaa imaanaya, ka dib markii uu bilaa natiijo ku soo dhammaaday shirkii Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ay xalay ku yeesheen Hotel Decale.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: