Wararka

Qarax ayaa xalay ka dhaxay maqaayad ku taala Xamar Jajab oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac…


Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance.

Qaraxa ayaa ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Luul Yemeni oo u dhow dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar Jajab.

Guryo ka ag dhow goobta ayaa la sheegay inay dumeen, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Qaraxa waxa sababay baabuur ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa.

Bishii August ee sannadkii hore ayey ahayd markii qof is miidaamiye ah uu weeraray isla maqaayaddaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, isla markaana uu bartilmaameedku ahaa xubno ka tirsan dowladda oo ku sugnaa maqaayada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: