Wararka

Kulan ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa looga hadlay faafitaanka xanuunka…


Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay Wasiirada Caafimaadka, Gargaarka, Warfafinta, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Somalia.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay, sidii loo dardargelin lahaa ka hortaggo faafitaanka xanuunka COVID-19, oo si weyn dalka ugu soo laba kacleeyay, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho iyo masuuliyiinta kalaba waxay ka mideysan yihiin in xanuunka lagu xakameyn karo, iyadoo la xoojiyo ka wacyigelinta bulshada ee xanuunka.

Maalinba maalinta ka dambeyso waxaa kordheysa tirada dadka xanuunka ugu geeriyoonaya Caasimadda Muqdisho.

Fayriska Corona ayaa gilgilaya awoodda hay’adaha caafimaadka iyo Isbitaalada, gaar ahaan marka uu qofka u baahdo qalabka lagu neefsado.

Wareegga 2aad xanuunka COVID-19 ee dalka waxaa uu ka faafid ogyahay kii hore ee dalka ka dilaacay sanadkii 2020, sida uu Arbacadii qirayba Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: