Wararka

RW Rooble ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay in la sii wado wadahadalada Midowga…


Afhayeenka Xukuumadda Somalia, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu diyaar u yahay in la sii wado wadahadalada Midowga Musharaxiinta.

Kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac habeenimadii Khamiista ku yeesheen Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, ka dib markii Midowga Musharaxiinta ay ku adkeysteen in laga qaybgeliyo shirka wadatashiga qaran, ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Ra’iisal Wasaare Rooble ayaase sheegay inaanu keligii go’aankaasi lahayn.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta, Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta sheegay in loo baahan yahay khilaafka taagan in wadahadal uun lagu dhammeeyo, isla-markaana laga baaqsado wax kasta oo carqalad gelin kara amniga.

Afhayeenka Xukuumadda oo soo jeedinta Midowga Musharaxiinta ka jawaabaya ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu markasta diyaar u yahay in wadahadalada la sii wado.

“Iyada oo dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka, si loo dhameystiro heshiiskii 17ka September 2020, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar u yahay sii waddida wadahadaladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Somalia, si guud iyo si gaar gaar ahba, si loo gaaro heshiis iyo is afgarad, dalkuna uu doorasho u aado.” Ayuu yiri Macalimuu oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: