Wararka

Yaa daba socda dacwada Badda, maadaama dadkii lagu mashquuliyey arrimaha doorashooyinka…


Waxaad moodaa beryahan dambe in Shacabka Soomaalida lagu mashquuliyey arrimaha doorashooyinka iyo wixii la xiriira oo aan ka soo muuqan wax yedediilo dhiiragelin leh, sidaa darteed ayaan dhoweyd waxaaba lagu sigtay in dagaal sokeeye qoorta lala galo, Allah ayaa mahad leh oo ummadan la daalaa dhaceysa coronavirus iyo ciriiri nololeed ka badbaadiyey dhagaraha la isu dhigayo.

Waxaa la iloobay arrimihii masiiriga dalkan iyo dadkan u ahaa oo ka mid ah arrimaha muranka Badda oo soo dhowaatay in lagu kala baxo, hadaba markaan gedgedeyey telefiishanada afka Soomaaliga ku hadla, waxaan dareemay in aan la siinin dareenkii ay laheyd arrintan culus, maadaama Maxkamada ay bilaabaneyso dhowaan waxaa la doonayaa in dadka Soomaaliyeed lagu wacyi geliyo muqadasnimada arrintaasi, oo lagu dhiiri geliyo sidii dowladda hadda jirta ee faraha ku heysa kiiska Badda la isu garab taagi lahaa, si aynan ugu muuqan in aynan heysan sharciyad kula doodo Kenya, wixii guddaha ee naga dhaxeeya in dib loo dhigo Maxkamada kadib, kuligeenana ka daba feylno xukuumadda hadda jirta waqtigan xaadirka ah, si loogu muujiyo in shacabka Soomaalida ay sharciyad ka heystaan.

Arrintan kiiska Badda waa muhim, garyaqaanada nooga qeyb galaya garnaqsiga waa in aan taageero weyn u muujinaa si waajibaadkooda ugu gutaan sida ugu fiican, waxay xambaarsan yihiin masiirka ummadan oo dhan, waxaan u rajeynayaa inay ku guuleystaan garnaqsiga xaq darada ah oo na lagu heysto Baddeena.

Guul ayaan Allah idinkaga baryayaa … maadaama uu xaqqa dhinaciina soo jiro.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: