Wararka

Manchester United ayaa joojisay guulihii taxnaa ee Man City ciyaartii derby-ga oo 2-0 uga adkaatay…


Manchester United ayaa garaacday rajadii derbiga ee Manchester City, waxayna carqaladeysay guulihii taxnaa ee kooxda, taasoo keli ku ah hogaanka Premier League, waxaana looga adkaaday gurigooda 2-0 Axadii, wareegii 27aad ee Premier League.

Manchester United ayaa sare u qaaday dhibcaheeda oo gaartay 54 dhibcood si ay dib ugu soo ceshato kaalinta labaad ee kala horeynta, iyadoo hal dhibic ka sareysa Leicester City, halka 11 dhibcood ka hooseysa Manchester City.

Goolka koowaad ayaa ahaa gool ku laad kaasoo xaqiijiyay Bruno Fernandez, halka Luke Shaw uu labeeyay.

United ayaa u diiday kooxda martida loo ahaa ee City inay sii dheereysato rikoorka guulaha ee ay heysato iyo dhibcooyinkaba.

United ayaa sidoo kale ka hor istaagtay deriskeeda City in ay sii dheereystaan ​​rikoorkeeda tirada guulaha ay ka gaartay tartamada kala duwan, iyadoo kooxda ay la kulantay guuldarro Axadii ka dib 21 guul oo isku xigta oo ay ka soo hoysay horyaalada kala duwan, taasoo sidoo kale rikoor u ah kooxaha Premier League ee England.

Manchester City ayaa Axadii la kulantay guuldaro xilli ciyaareedkan kadib markii ay rekoodhkeeda ka ilaalisay wax guuldaro ah 28-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaareen ka hor kulankii Axada, waxay gaareen 25 guul kulamadaasi halka 3 jeer ay barbaro noqdeen.

Kahor ciyaartii Axada, Manchester City wax guuldaro ah lama kulmin tan iyo markii ay uga adkaatay Tottenham 0-2 bishii November 21-dii, sidaas darteed kooxdu waxay heysatay rikoor guul darro la’aan ah ee tartamada kala duwan muddo 105 maalmood ah ka hor kulankii Manchester United ee Derby-ga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: