Wararka

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bixisay warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19…


Wasaaradda Caafimaadka ayaa bixisay warbixin ku saaban xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Xanuunka ayaa laga helay 280 qof, ka dib markii laga baaray 1,966 qof, oo deegaano kala duwan ku kala sugan.

96 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa reer Muqdisho, iyadoo 133 kiis laga diiwaangeliyay deegaanada Puntland, (Natiijada baaritano la sameeyay hal isbuuc), Somaliland waxaa laga diiwaangeliyay 27 xaaladood, Koonfur Galbeed 14 kiis iyo Jubbaland oo 10 xaaladood laga diiwaangeliyay.

177 qof oo ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 103 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ka bogsaday 36 qof.

Sidoo kale dalka ayaa laga diiwaangeliyay 8 xaaladood oo dhimasho ah, iyadoo 3 ka mid ah laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir, 2 qof waxaa laga diiwaangeliyay Puntland, Koonfur Galbeed 2, halka kiiska kale ee dhimashada laga diiwaangeliyay Somaliland.

Tirada guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 8,321 kiis, iyadoo tirada ka bogsatay ay tahay 3,968 qof, halka 302 qof-na ay u geeriyootay.

Wareegga 2aad xanuunka COVID-19 ee dalka waxaa uu ka faafid ogyahay kii hore ee dalka ka dilaacay sanadkii hore.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: