Wararka

Safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona dalka Masar ayaa laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga…


Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al-Sisi ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar.

Safiir Ilyaas oo la magacaabay bishii Janaayo ee sanadkan 2021, ayaa bishii Febraayo la soo aqbalay, iyadoo magacaabidiisa iyo aqbaaladiisa aysan wax badan u dhaxeyn.

Magacaabida Safiir Ilyaas ayaa la sheegay inay bilow u aheyd soo hagaagida xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo labadii sano ee la soo dhaafay ahaa mid mugdi galay, iyadoo muddo labo sano aysan Safaaradda Soomaaliya ee Masar ay aheyd Safiir la’aan.

Soomaaliya iyo Masar ayaa lahaa xiriir soo jireen dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhaqanka iyo waxbarashada, waxaana Masar ku soo waxbartay arday fara badan oo Soomaaliyeed oo Jaamacadaha dalkaas ka soo baxay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: