Wararka

Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay in lagu weeraray xarunta Xalane, iyadoo aan la ogeyn…


Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay inay ku dhacday xarunta Xalane iyadoo aan wax faahfaahin ah aan laga bixin khasaaraha ka dhashay.

Weerarka madaafiicda ee lagu qaaday xarunta Xalane ayaa imanaya iyadoo lagu wado in dhowaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka soo qeybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Ma aha markii ugu horraysay ee hoobiyayaal lagu weeraro garoonka xerada Xalane, waxaana weeraradii horey loogu qaaday badankood sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: