Wararka

AUN Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi…


Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somalia, Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasoo arrimo caafimaad loogu qaaday maalmo ka hor, ka dib markii uu ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho.

Geerida Madaxweynihii hore ayaa waxaa goor dhow Warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi ayaa sanadkii 1991-kii loo magacaabay Madaxweynaha Somalia, ka dib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: