Wararka

AUN Xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ayaa ku geeriyooday magaalada Baydhabo…


Allaha u naxariistee Xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Baydhabo Xarunta KMG ee Maamulka Koonur Galbeed.

Ehelada Xildhibaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Xildhibaan Boonow u geeriyooday xanuun, lamana shaacin wali xanuunka uu Xildhibaankan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya saakay u geeriyooday.

Gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow, waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowso ka waraabiyo.

Xildhibaan Boonow ayaa kusoo biiray Baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2012-kii, waxa uuna soo noqday Wasiiru dowlihii wasaarada Amniga gudaha Xukuumadii uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: