Borussia Dortmund ayaa u soo baxday Quarter Finalka UEFA Champions League kadib markii…
Kooxda Borussia Dortmund oo ka dhisan Jarmalka ayaa u soo baxday Quarter-Finalka European Champions League, in kasta oo barbaro 2-2 ah ay la galeen kooxda martida Isbaanishka ah ee Seville, fiidnimadii Talaadada lugtii labaad, iyagoo ku soo badiyay lugtii hore 3 -2.
Ciyaarta ayaa markhaati ka ahayd laacibiin ka soo muuqday oo kala dhaliyay goolasha labada kooxood, laacibka reer Norway Erling Haaland iyo laacibka reer Morocco Yusef Al-Nasiri, iyadoo mid walba uu u dhaliyey kooxdiisa min laba gool.
Dortmund ayaa ka faa’iideysatay guushii lugtii hore, oo lagu qabtay Spain 3-2, si ay ugu badiso wadar ahaan kulamada 5-4.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com