Wararka

Juventus ayaa Porto ka reebtay Quarter Finalka UEFA Champions League, kadib ciyaar xalay…


Kooxda Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa laga saaray isreebreebka koobka UEFA Champions League, inkasta oo ay 3-2 uga badiyeen Porto fiidnimadii Talaadada lugtii labaad, kooxda martida ayaa ka faa’iideystey sharciga gooldhalinta ee ka baxsan garoonkooda ka dib markii ay lugtii hore ku badiyeen 2-1.

Sergio Oliveira ayaa furay goolasha ciyaarta isagoo u dhaliyay Porto gool rigoore ah daqiiqadii 19aad, Federico Chiesa ayaa isna barbareeyey Juventus daqiiqadii 49aad wuxuuna ku daray goolka labaad daqiiqadii 63aad.

Inkasta oo ay tiro yaraanta kooxda martida ahayd tan iyo daqiiqadii 54-aad kadib markii Mehdi Tarmi kaadhka cas loo taagay, Juventus ayaa xalin kari wayday inay wax ka bedesho natiijada, maadaama ciyaartu ku dhamaatay 2-1, isla natiijadii lugtii hore ee lagu ciyaaray Portugal, labada xul ayaa loogu daray waqti dheeri ah oo labo qaybood aheyd.

Oliveira ayaa xaalada ku adkeeyay kooxda heysata horyaalka Talyaaniga isagoo dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa daqiiqadii 115aad, inkastoo Adrien Rabiot uu barbareeyey natiijada labo daqiiqo ka dib, sidaa darteed guusha 3-2 kuma filneyn inay kooxda u gudubto wareega 8 dhamaadka.

Sidaas darteed, natiijada ugu dambeysa ee ciyaarta ayaa waxay noqotay barbaro 4-4 ah, laakiin Porto ayaa ka dhalisay labo gool meel ka baxsan garoonkooda, halka Juventus ay hal gool ku dhalisay Portugal, sidaas darteed Porto, iyadoo ka faa’iideysaneysa sharciga gooldhalinta in ka badan garoonka, ayaa dishay riyooyinkii xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo iyo saaxiibadiis ee Juventus ee koobka Yurub ee ay rajeynayeen inay ku guuleystaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: