Wararka

Safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona dalka Uganda ayaa laga guddoomay waraaqaha…


Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia u fadhin doono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

Safiirka JF Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa guddoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah oo usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni.

Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Pakistan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: