Wararka

Diyaarad siday meydka marxuum Cali Mahdi ayaa soo caga dhigatay garoonka Aadan Cade…


Diyaarad siday meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa goor dhow ka soo cago dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa waxaa ku sugan Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxdii hore ee dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumka.

Meydka Madaxweynihii hore ee dalka ayaa Salaadda Janaasada lagula tukan doonnaa Garoonka Aadan Cadde, iyadoona ka dib loo qaadi doono goobta la qorsheeyay in lagu aaso.

Allaha u naxariistee marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasoo maalmo ka hor arrimo caafimaad loogu qaaday, ka dib markii uu ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi ayaa sanadkii 1991-kii loo magacaabay Madaxweynaha Somalia, ka dib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: