Wararka

Biixi ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Imaaraatka u fadhin…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Isutagga Imaaraataka Carabta usoo magacaawday in uu u fadhiyo Somaliland.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shaaciyay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka cusub ee Imaaraadka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hargeysa ayaa lagu qoray in Madaxweynaha Maamulka Somaliland u sheegay wakiilka inuu yimid dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dowladood.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka diblumaasiyeed dowladda federaalka iyo Imaaraatka iyadoo bishii hore dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay dalka Imaaraatka Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: