Wararka

Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay garoonka Aden Cadde ee Mogadishu…


Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde magaalada Muqdisho.

Saciid Deni ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha iyadoo soo dhoweyntiisu ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dadweyne faro badan.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee dhowaan ka furmaya Muqdisho, waxaana hore u sii joogay caasimada Madaxweynaha Jubbaland.

Hase yeeshee waxaa weli ka maqan dalka Madaxweyneyaasha kale ee dowlad Goboleedyada Galmudug, iyo Koonfur Galbeed balse Madaxweynaha Hirshabelle ayaa hore u joogay caasimada dalka ee Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: