Wararka

Dowlada Somalia ayaa qorsheyneysa inay dalka dib ugu soo celiso boqolaal ruux oo qaxooti…


Dowlada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in boqolaal ruux oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugan Yemen dib loogu soo celin doono dalka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa sheegay in boqollaal qaxooti ah oo Soomaali ah dalkooda hooyo dib loogu soo celin doono dhammaadka bishan aynu ku jirno ee March.

Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa laanta afka soomaaliga ah ee BBCda u sheegay in ay dadaal badan ugu jiraan sidii dadka Soomaalida ah ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatada ka aloosan dalkaas.

“Sanad walbo waxaa la soo qaadi jiray kun ilaa lix kun ..laakiin markii ugu dambeysay aan wadahadalnay waxaa la ii sheegay in bishan March aan ku jirno bartamaheeda la bilaabi doono oo dalka dib loogu soo celin doono dadka Soomaalida ah”

Yemen ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray colaad sokeeye.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: