Wararka

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Mogadishu ayaa saaka xiran, iyadoo la ogeyn sababta…


Dadka Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada oo xiran, iyadoo isgoysyada la dhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Sida wararku sheegayaan waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada ayaa ciidamada u diidayaan gaadiidka, iyadoo meelaha qaar laga celinayo.

Inkastoo maalin shaqo oo sabti ay tahay, haddana waxaa la ogeyn in sababaha maanta loo xiray waddooyinka, waxaa la hadal hayay shirka ka bilaabanaya magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada in loo xiray waddooyinka.

Shalay ayay aheyd markii inta badan waddooyinka magaalada la xiray, sababo la xiriira aaska meydka Madaxweynihii hore Cali Mahdi, balse gelinkii dambe dib loo furay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: