Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sheegay inuu Somalia ka taageerayo sidii loo xalin…


Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkiga uu ka taageerayo Soomaaliya sidii loo xallin lahaa muranka hareerayay in la qabto doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Wakaalada wararka ee Anadolu ayuu kaga hadlay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashooyinka dalka Soomaaliya.

“Waa muhiim in xal ay wadajir u gaaraan walaalaha Soomaaliyeed si heshiis looga gaaro arrimaha Doorashooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan, waana tan aan rajeyneyno in ay dhacdo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Mevlut Cavusoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay isu keenidda dhinacyada is khilaafsan si xal ay uga gaaraan is marin-waagooda daba-dheeraaday.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga ayaa sheegay in uu qorsheynayo inuu safar ku tego dalka Soomaaliya maalmaha soo socda.

“Maalmaha soo socda waxaa inoo qorsheysan socdaal aan ku tageyno Soomaaliya si aan u xoojino taageeradeena waana ku dhaqaaqeynaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalmo dhinacyo badan leh ku taageerto dowlada Soomaaliya iyadoo si gaar ah uga caawisay Soomaaliya dhinacyada tababarka ciidamada, waxbarashada iyo horumarinta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: