Qiimaha Bitcoin ayaa markii ugu horeysay ka gudbay $60 kun, wuxuuna seddax jibaarmay…
Qiimaha Bitcoin ayaa markii ugu horreysay ka gudbay $ 60,000, isagoo sii wata inuu jebiyo rikooro.
Shirkadaha caanka ah ayaa waxay lacagtaan u qaateen qaab lacag lagu bixiyo, qiimaheeduna saddex jibaarmay ilaa dhammaadkii sanadkii hore.
Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in sababta kor u kaca qiimaha Bitcoin ay ugu wacan tahay xirmada dhiirrigelinta dhaqaale ee ballaaran ee uu ansaxiyay Mareykanka maalmo ka hor.
Wadarta qiimaha suuqa ee Bitcoin ayaa kor u dhaaftay $1 trillion bishii hore.
Lacagtan elektarooniga ah waxay leedahay rikoodh isbedbedel ah, waxay soo aragtay hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaheeda in ka badan hal jeer tan iyo markii la aasaasay 2009kii.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com