Wararka

Al Shabaab ayaa meel fagaare ah ku toogtay afar nin oo basaasnimo lagu eedeeyey…


Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay fagaare ku yaala deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku toogteen afar nin oo basaasnimo ay ku eedeeyeen.

Dadka ku dhaqan deegaankaasi oo 60km u jira Magaalada Garbahaarey ayaa isugu soo baxay fagaarihii uu dilku ka dhacay.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in raggan ay u basaasayeen Ciidamada Soomaalida iyo kuwa kale ee shisheeye ee dagaalka kula jira.

Qaadiga ayaa magacyada raggan ku kala sheegay Xaaji Aadan Duuble Xasan 59 jir, Axmed Cali Dhuxul 50 jir, Cali Cumar Axmed 42 jir iyo Ibraahim Horow oo 25 jir ahaa.

Xaaji Aadan Duuble Xasan ayay maleeshiyada Al Shabaab 3 sano ka hor ka soo qabteen Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ninkan ayaa ahaa ganacsade si weyn looga garanayay degmadaasi, iyadoona 3-dii sano ee ugu dambeysay uu Al Shabaab u xirnaa.

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyaa inaanay soo bandhigin cadeymo iyo qiraal ku aaddan dadka ay xukunada ku fuliyaan, aan ka ahayn oraahda looga bartay ee ah ‘isagaa qirtay’.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: